Baydhabo-{WMN}-Rasaas goos-goos ah ayaa weliga laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, iyada oo ciidamada ammaanka ay weli dagaal kula jira kooxdii Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaadday hotelkaas ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho
Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkan, halka oo tiro intaa ka badanna uu dhaawac kasoo gaaray, iyada oo laga soo badbaadiyay tiro kale.
Ciidanka sida gaar ah u tababaran ayaa wali ku howlan la tacaalida kooxdii weerartay hoteelka.