Baydhabo-{WMN}-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka Xayaat ee ku yaalla halkaas oo ay ka dhex-dagaalamayan.
Qaraxyo Is-miidaamin ah ayaa lagu weeraray hotelka, sida ay sheegayaan dad goobta ka dhow, isla markaana waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan oo ay ridayaan ragga hubeysan ee gudaha u galay hotelka.
Illaa saddex qarax oo is xig-xigay ayaa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana aad u kacsan xaaladda goobta ay qaraxyada ka dhaceen, khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada.
Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aagga oo dhan isku gadaamay, waxaana la xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho.