Baydhabo-{WMN}-Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka dhacay degaan u dhow degaanka Yaaqbari Weyne oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhinacyada dagaalamay ayaa isku heysta dhul halkaasi kuyaalla, waxaana dagaalka ku dhintay ku dhawaad 10 ruux oo uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenkii hore ee Arrimaha Bulshada degmada Walanweyn Axmed Kheyr Cabdow.
Goobjoogayaal ayaa Radio Warsan u sheegay in weli xiisad colaadeed ay ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay, iyada oo dadka degaanla qaarkood ay dareemayaan cabsi aad u ballaaran.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay gaaraan goobta dagaalka si ay u kala dhexgalaan dhinacyada dagaalamay.
Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaannada u dhow degaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.