Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo Qunsulka Itoobiya ee Puntland Dagnachew Yitbarak.
Kulanka ayaa sidoo kle looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo isu socodka dadka.
Saraakiisha ka socotay dowladda Itoobiya ayaa hory u tegay Magaalooyinka Baydhabo Hargeyso iyo Beledweyne, waxaana arrintaan la sheegay inay salka ku heyso weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaano kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida.