Baydhabo-{WMN}-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya XFS Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo hogaaminayay Matalayaal ka socday Culimada Soomaaliyeed.
Inta uu socday kulanka waxaa diirada lagu saaray kaalinta Culimada Soomaaliyeed ku leeyiihiin Gurmadka abaaraha, Amniga iyo Dowlad wanaaga.
Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Awqaafta Xil. Saalax Shariif Sayid Cali iyo Agaasimaha Waaxda Diinta iyo Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Wasaaradda Mudane Sh. Cali Maxamuud Macalin (Sh. Cali Dheere).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Cullimada inay doorkooda dhanka wacyigelinta ka qaataan si bulshada Soomaaliyeed u helaan Amni sidoo kalena loogu gurmado dadka ay saameeysay abaarta.ka jirta Guud ahaan Soomaaliya