Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse.
Madaxweynaha ayaa wafdiga uga mahad celiyay safarka ay ku yimaadeen Magaalada Garoowe, waxanaa wafdiga ay kulamo kala duwan la qaadan madaxda kale ee Puntland.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maalinta berito ah tagaya Magaalada Garoowe.