Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Guddoomiye Mursal oo ka hor-yimid war-murtiyeedka madaxda maamul Goboleedyada 15/07/2020 WAFDI KA SOCDA MIDOWGA YURUB OO BAYDHABO SOO GAAREY 21/04/2018 DHAGEYSO: Casharkii 23aad Ee Tafsiirka Qur’aanka Kariimka Ee Sh. Xasan Gaab 02/01/2018 Laftagareen oo balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan go’doominta looga qaadayo degmada Xudur 17/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 30/04/2022 Xildhibaan Xasan Yare “ Dowladdu waa in siyaasaddeeda oo la taageero aysan halis u gelin caafimaadka shacabka” 08/06/2020 Qaar ka mid ah Musharaxiinta kuraastoodu taallo Bosaaso oo walaac muujiyay 18/02/2022 Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka 15/06/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Beeraha Qeebta 15aad 03/04/2022 Madaxweynayaasha Soomaaliya & Ereteriya oo heshiis kala saxiixday 12/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.