Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Dowladda Somalia oo Hay’adaha Samafalka kala hadashay gurmadka Abaaraha 14/06/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Athiiny kydeyooy qeybtiisa 5aad 07/07/2022 Dowladda Shiinaha oo jabsatay boqolaal hay’adood iyo wasaarado, caalamka oo dhan ah 16/06/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 30/11/2020 Maxey ka wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey? 24/09/2022 Sawiro: Maamulka Degmada Baydhabo Oo Bulshada Ugu Baaqay In ay Kala Shaqeyaan Hormarada Degmada Baydhabo. 28/11/2019 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/09/2021 Tartan aqooneedkii Caawaa oo barbardhac ku dhamaadey. 02/05/2020 DHAGEYSO :- BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 24/06/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.