Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Wiilyar oo ku geeriyooday Barkad uu ku dhacay Magaalada Hargeysa 01/08/2023 Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo la fasaxay muddo Labo Cisho ah 27/10/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Wrasan 16/08/2023 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga Warsan 20/09/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/01/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/02/2021 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 14/02/2023 Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay 05/02/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/04/2021 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay xariggga Sharci darada ah ee lagu kacay afar weriye oo u shaqeeya Eryal TV 30/07/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.