Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Ay Dalka Uga Ceyrinayso Simon Mulongo 05/11/2021 Akhriso:- Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo bandhigay dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday 27/04/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/02/2021 Dhageyso;- warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 29/05/2022 Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisulwasaaraha oo ka socda Muqdisho 21/05/2022 Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Garoowe 21/03/2024 Waxyaabaha Madaxweyne Xasan kala hadlay Culimo uu kula kulmay Villa Somalia 10/02/2024 Dhageyso: Barnaamijka kulanka Warsan 11/06/2023 Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay in uu wada-hadallo la galayo Xisbiyada mucaaradka 26/06/2022 AMISOM oo sheegtay inay fashilisay weerar 3 geesood oo Al-Shabaab soo qaaday 17/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.