Baydhabo-{WMN}-Waxaa lagu wadaa in safaro kala gooni gooni ah ay Magaalada Muqdisho uga ambabaxaan wafdiyo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in safarkiisii ugu horreeyay in uu ku tago magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022.
Magaalada garoowe waxaa shalay gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha, kaas oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Ujeedada safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada garoowe ay tahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland,.waxaana Madaxweynaha uu horay u tegay tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isaga oo kulamo la qaatay Madaxda Maamuladaas ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen).
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in wafdi uu hoggaaminayo ay tagaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shalay waxaa Magaalada Bedweyne Gaaray wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha oo ay kamid yihiin taliyaha ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha & Madaxa hab maamuuska, waxaana kasii horreeyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya & taliyaha Ciidamada xoogga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedka safarkiisa ee magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda dadka kunool magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda ka wadaan degaano katirsan Gobolka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqan doona xerooyinka Ciidamada xoogga dalka ee Magaalada Beledweyne, isaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doono xoojinta & dardar gelinta howlgallada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab