Baydhabo-{WMN}-Wasiirka Caafimaadka dowlada fedaraalka soomaliya Dr Cali xaaji Aadan oo qeyb ka ahaa wafdigii Ra’isul wasaaraha ee maanta soo gaaray Baladweyne ayaa booqday isbitaalka guud ee gobalka Hiiraan oo uu ka socdo Howlo dib u dayac tir ah ka dib qarixii ka dhacay dabayaaqadii bishii sedexaad ee sanadkaan
Wasiirka ayaa kormeeray qeeybaha kala duwan ee isbitaalka uu ka kooban yahay waxaana uu warbixin ka dhageystay Maamulka iyo howlwadeenadda Isbitaalka.
Dr Cali xaaji Aadan wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in xukuumada soomaalia ay si deg-deg ah wax uga qabaneyso baahiyaha xiligaan ka jira isbitaalka guud ee gobalka oo muhiim u ah dadka shacabka ee ku nool gobolada dhaxe ee Dalka.