Baydhabo-{WMN}- Maamulka Deegaanka Nambar-konton Gobalka Sh.hoose Ayaa maanta daah furay olele Nadaafadeed oo Isxilqaan ah, kaaso ay ka qeyb qaateen Saraakiisha Amaanka Qeybaha kala duwan ee Shacabka Deegaanka Lanbar-konton Sidoo Kale Ololahan Nadaafadeed Ayaa Waxaa Loogu Gon Leeyaha Sidii Deegaanka Lambar 50. Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Nadaafadeeda Kor Loogu Qaado.
Hase Yeeshee Maamulka Saraakiisha Iyo Shacabka Ayaa Iska Kaashanaya Ololahan Nadaafadeed Kaas Oo Bulshada Deegaanka Number 50 Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Sida Wadajir Ah Uga Qeyb Qaadanayaan Si Looga Taxadaro Cuduro Ay Ka Dhalan Karaan Nadaafad Darada.
Guddoomiyaha Deegaanka Lanbar-konton Maxamed Maxmuud Ayaa Sheegay in Olalahan nadaafadeed uu yahay mid lagu soo celinayo bilicda Guud Ee Deegaanka Lambar Konton Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Waxaana Laga Sameeyay Tuulada Muure Ilaa Deegaanka Lanbar-konton.
Shalay Ayaa Maamulka Deegaanka Janaale Saraakiisha Iyo Shacabka Deegaanka Janaale Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Horkacayey Gudoomiyaha Deegaanka Janaale C/ Raxmaan Al Cadaala Waxa Ay Ka Sameeyeen Xaafado Kamid Ah Deegaanka Janaale Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.