Baydhabo-{WMN}-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed oo maanta ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Shirka oo bil walba la qabto ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada & Saraakiisha laamaha Amniga qeybahooda kala duwan iyo Saraakiisha howlalka ATMIS.
Shirka ayaa waxaa ayaa looga hadlay Xoojinta Amniga Degaannada Koonfur Galbeed iyo ka hortaga weerarada ay Al-Shabaab ay ka geystaan deaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyeyaasha Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa waxaa ay warbixin la xiriira xaaladda Amni shirka kusiiyeen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi, iyaga oo sheegay in la dardar gelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faray dhammaan saraakiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab & howlgallo laga fulinayo dhammaan degaannada Koonfur Galbeed.
Degaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka howlgalla Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo kuwa howgalka Midowga Afrika ee ATMIS, iyaga oo mar walba fuliya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab