Baydhabo-{WMN}- Wasiirka caafimaadka dalka Portugal haweeneyda lagu magacaabo Dr. Marta Temido ayaa xilka iska casishay saacado uun kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay dhimatay haweeney xaamilo ahayd oo dalkaasi dalxiis u joogtay kaddib markii laga soo celiyay qeybta haweenka ku umulaan ee cusbitaal ku yaalla magaalada Lisbon.
Haweeneydan oo 34 sano jir ahayd oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa sida la sheegay wadnuhu uu istaagay, xilli marba la geynayay mid ka mid ah isbitaallada ku yaal magaalada Lisbon.
Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen dhacdooyin is-xigxigay oo ka dhacayay cusbitaallada dalkaasi, kuwaa oo loo aaneynayo shaqaale la’aanta ka jirta qaybaha haweenka ku umulaan ee guud ahaan cusibitaalalda dalka Portugal.
Dr. Marta Temido ayaa wasaaraddan caafimaadka madax ka ahayd tan iyo 2018, waxaana lagu amaanaa sidii ay u maareysay masiibada cudurka Covid-19.
Hase yeeshee shalay oo Talaado ahayd, ayaa dowladdu waxay bayaan ku sheegtay in Dr. Temido “ay xaqiiqsatay in aysan hadda u muuqan sababo ay xilkaasi ku sii hayn karto”.
Ra’iisulwasaaraha dalkaasi Portugal, António Costa, ayaa sheegay in geerida haweeneydaasi xaamilada ahayd ay tahay arrintan ku cadaadisay Dr Temido in ay is-casisho, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Portugal ee Lusa.
Arrintan ayaa timid xilli dowladda dalkaasi lagu dhaliilayo sida ay u maaraysay shaqaale yaraanta ka jirta xarumaha ay haweenka ku umulaan, iyadoo si ku meel gaar ah u xirtay qaar ka mid ah xarumahaasi, arrintaa oo ku khasabtay haweenka uurka leh in ay khatar nafeed la kulmaan inta ay ka daba wareegayaan Cusbitaallada kala geddisan ee dalkaasi.