Baydhabo-{WMN}- Koox khubaro ah oo ka socota Qaramada Midoobay ayaa soo gebagebeeyey booqashadii ugu horraysay ee ay ku tageen wershedda ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine, taas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dalka Ruushku, halka shaqaalaha wershedduna ay u dhasheen dalka Ukraine.
Agaasimaha guud ee hay’adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA Rafael Grossi oo hoggaaminaya koox khubaro ah oo ka kooban illaa 14 kormeere ayaa u sheegay weriyayaasha in hay’addu ay haatan qorshaynayso sidii ay, si joogto ah ula socon lahaayeen xaaladda wersheddan oo ah tan ugu weyn ee ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka ee ku taalla qaaradda Yurub, laakiin agaasimuhu ma bixinin wax macluumaada oo ku saabsan wixii ay ku soo arkeen wershedda.
Kormeerayaasha ka socday Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu socday dhaqdhaqaaq militari, xataa intii ay hawsha ku jireen, taas oo ay ugu dambaysay subaxnimadii Khamiista.
Weerarada lagu qaaday agagaarka wershedda ayaa sababay inuu bakhtiyo mid ka mida qaybaha muhiimka u ah shaqada wersheddan, ka hor intaanay kormeerayaashu soo gaadhin goobta.