Baydhabo-{WMN}- Weerar ismiidaamin ah oo shalay Jimcihii ka dhacay Masaajid aad u camirnaa oo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka Afghanistan ayay ku dhinteen ugu yaraan illaa 18 qof oo ka mid ahaaa dadkii ku cibaadaysanayey Masaajidkaas.
Dadka dhintay waxaa ku jiray wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa kooxda Taalibaan,sida ay warisay warbaahinta gudaha.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in Sheekhan caanka ahaa oo lagu magcaabi jiray Mujibur Rahman Ansari, in weerarka lala beegsaday isaga oo dadweynaha ku tujinayey salaaddii Casar, masaajid ku yaalla magaalada Herat ee ku taalla xuduudda dalkaasi la wadaago dalka Iran
Ugu yaraan 24 qof oo kale oo ka mid ah dadkii cibaadaysanayey ayaa iyaguna isla goobtaas ku dhaawacmay, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida ay sheegayaan laamaha ammaanka iyo goobjoogayaal kala duwani.
Wadaadka la dilay ayaa ahaa sheekh si weyn u dhaleecayn jiray dawladdii hore ee uu Maraykanku taageeri jiray ee ka dhisnayd dalka Afghanistan iyo weliba ciidamadii reer Galbeedka ee ku sugnaa Afghanistan.