Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan ka qeyb geli doonin aaska Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soofiyeeti, sida uu xaqiijiyay Kremlin-ka.
Afhayeenkiisa Dmitry Peskov ayaa sheegay in jadwalka shaqada ee Mr Putin uusan u ogolaan doonin inuu ka soo qeyb galo munaasabadda aaska ee Sabtida.
Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu salaan sharaf ka qaatay cisbitaalka Moscow ee uu Gorbachev ku dhintay Talaadadii, isagoo 91 jir ah.
Isbadalladii Gorbachev ayaa gacan ka geysatay soo afjarida dagaalkii qaboobaa, balse waxaa lagu eedeeyaa in Midowga Soofiyeeti uu burburay xilligii uu isaga hogaamiyaha ahaa, taasoo uu Mr Putin ka xumaaday.
Sannadkii 2005, madaxweynaha Ruushku wuxuu sheegay in kala go’a USSR ay ahayd “masiibadii dhanka juquraafiyadda ee ugu weynayd qarnigii 20aad.
Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeet la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka uu Midowgii Soofiyeti la lahaa caalamka intiisa kale isaga oo isbeddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey.
Hase yeeshee wuxuu ka hortagi waayey burburka ku yimid Midowgii Soofiyeet ee horseedday inuu sameysmo Ruuhska casriga ah ee maanta.
Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay Gorbachev inuu yahay “mid taariikhda si weyn wax uga baddelay.”
“Mikhail Gorbachev waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha hal abuurka hoggaamineed leh oo dunida soo maray,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonny Gutteres oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka.
“Dunida waxay weyday hoggaamiye weyn, oo go’aankiisu adkaa nabaddana si weyn ugu ololeyay,” ayuu Gutteres sii raaciyey.
Madaxweynihii hore ee mareykanka, Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev ayaa 1987-kii saxiixay heshiis lagu xakameynayo gantaalaha riddada-dhex ee Nukliyeerka.
1990-kina Gorbachev waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabada ee caalamiga ah oo loo yaqaanno Nobel Peace Prize, abaalmarintaasi oo uu ku muteystay furfurnaanta siyaasadeed uu la yimid iyo sida uuu soo afjaray dagaalkii qaboobaa.
Laakiin dad badan oo Ruush ah ayaan waligood Gorbachov ka cafiyin qalalaasihii horseeday burburkii Midowgii Soofiyeeti (USSR).
Si kastaba ha ahaatee, qoraalkii tacsida ee uu bartiisa telegram uga diray qoyska Gorbachev Arbacadii, ayuu Mr Putin ku tilmaamay inuu ahaa “Siyaasi iyo hoggaamiye dowladeed oo saameyn weyn ku leh taariikhda adduunka”.
Khamiistii, taleefishinka qaranka Ruushka ayaa soo bandhigay Mr Putin oo ubaxyo cas oo ag dhigaya naxashka Gorbachev ee yaallay cisbitaalka Central Clinical ee magaalada Moscow.
“Nasiib darro, jadwalka shaqada ee madaxweynuhu uma oggolaan doono in 3-da Sebtembar uu ka qeyb galo aaska, sidaas darteed wuxuu go’aansaday inuu maanta sameeyo,” Mr Peskov ayaa sidaasi u sheegay saxafiyiinta.
Aaska Gorbachev, oo u furnaan doona dadweynaha, ayaa ka dhici doona Hall of Columns ee Moscow.
Ka dib, waxaa lagu aasayaa qabuuraha Novodevichy ee magaalada, gaar ahaan qabri ku xiga kii xaaskiisa Raisa, oo dhimatay sannadkii 1999-kii.
Mr Putin ma noqon doono qofka kaliya ee caanka ah ee ka maqan aaska. Qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ajnabiga ah la filayay inay ka soo qaybgalaan ayaa hadda laga mamnuucay Ruushka, iyaga oo ka aargoosanaya cunaqabataynta reer galbeedka ee loogu soo rogay duulaanka Ruushka ee Ukraine dartii.
Siyaasiyiin sarsare oo ka kala socda Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Japan iyo Canada ayaa ka mid ah kuwa liiska laga saaray, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, iyo sidoo kale labada musharax ee u tartamaya inay xilka raysal wasaarenimo ee UK, waa Liz Truss iyo Rishi Sunak.
Apr