Baydhabo-{WMN}- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Munaasabadda lagu daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Maamulka Gobalka Benaadir iyo marti sharaf kale.