Baydhabo-{WMN}- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda Somalia iyo rag hubeysan.
Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen fariisiinka ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Cali Agoon ee degmada Hiliwaa, waxaana ku dhimatay Haweeneey Caano iibineysay oo markii hore uu soo gaaray dhaawac culus
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sia ay sheegeen dadka deegaanka.
Dhanka kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo kadib howlgallada xigay.
Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana si caadi ah u socdo dhaq-dhaqaaqay dadka iyo gaadiidka, waxaana sidoo kale furan goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasi.