Baydhabo-{WMN}-Guddiga Gurmadka Abaaraha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatey Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Mohamuud Macalin Cabdule oo Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo.
Waxaana Shirka looga hadley sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha gargaarka ee Gurmadka ka wada Koonfur Galbeed , iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed .
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyadoo Kaa shaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS ayaa Diyaarado gargaar Raashin ah Sida soo gaarsiisey Degmooyinka Xudur iyo Baydhabo, kuwaasi oo loogu tala galey in la gaarsiiyo Dadka ay Abaartu saameysay ee Ku nool Deegaanada Koonfur Galbeed .
Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaarha Dowladda Koonfur Galbeed ahna Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa ugu Mahadceliyey Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Garmadka ay soo gaarsiiyeen KG, wuxuuna balan qaadey in ay gaarsiin doonan Dadkii loogu talagaley.
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Mohamuud Macalin Cabdule ayaa ka warbixiyey gargaarka Raashinka ay soo gaarsiiyeen Degmooyinka Xudur iyo Baydhabo.
Guddiga Gurmadka Abaarha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo Gurmad lagu gaarsiineyo Qoysaska Abaartu saameysay ee ku Nool Deegaanada KG.