Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan written by Warsan Radio 26/09/2022 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee illaa hadda lagu yabooho.Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray. Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan was last modified: September 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post NISA oo soo saartay digniin cusub next post Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab You may also like Xog: YAA BIXIYEY TELADA LAGU DHISEY HOGAANKA DABAGALKA SIYAASIYIINTA NISA 01/09/2020 Shariif Xasan Sheekh Aadan : “Doorashada dalka waa inay ku dhacdaa waqtigii loogu talo galay” 29/08/2020 Rag ka tirsan Daacish oo lagu qabtay dalka Turkiga ka dib falal amni daro ay ka sameyn rabeen 08/09/2022 Video: Magaalada Baydhabo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) 04/02/2020 Safiirka Qatar ee Somalia u fadhiys oo kulan laqaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka 07/07/2020 Booliska Minneapolis oo toogtay Nin hubeysan 03/02/2022 RW Rooble oo soo xiray Shirkii Somaliya iyo Beesha Caalamka uga socday Muqdisho 08/12/2020 Deni oo ka horyimid sharciyada Doorashada,Shidaalka iyo dib-u-eegista dastuurka ayaa soo jeediyay wadahadal DFS& DGD. 09/01/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 04/06/2017 Dowladda Soomaaliya oo shixnad Gargaar ah u dirtay Laas-Caanood 21/05/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.