Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan written by Warsan Radio 26/09/2022 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee illaa hadda lagu yabooho.Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray. Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan was last modified: September 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post NISA oo soo saartay digniin cusub next post Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab You may also like Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo Eedeeyay Deni baaqna diray ( Warsaxaafadeed) 16/05/2023 Afganistaan: dagaalka u dhexeeya ciidamada iyo Taalibaan oo sii xoogeystay 02/08/2021 Jabuuti iyo Kenya oo maanta ku kala baxaya loolanka kursiga golaha ammaanka Qaramada Midoobay 17/06/2020 Dhageyso: Xarunta Cusub Ee Maamulka Degmada Baydhabo Oo Xaraga Laga Jaray. 22/02/2020 Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Warsan 04/06/2023 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/10/2022 Dhageyso:-Qoddobadii lagu heshiiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka 21/11/2019 Dhageyso: Gudigga ka hortaga Corona Virus ee koonfur galbeed oo kulan ku kuyeeshay magaalada baydhabo. 10/04/2020 Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha 05/11/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 12/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.