Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan written by Warsan Radio 26/09/2022 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee illaa hadda lagu yabooho.Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray. Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan was last modified: September 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post NISA oo soo saartay digniin cusub next post Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 01/08/2021 Buundada Baardheere oo go’day ka dib fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba 09/11/2023 Dhageyso:- Trtanka Caawa oo ah Wereegii Labad Habeenkii 11 waad oo ay Tartamaan Xaafadaha Baydhabo Caawa waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Darusalam {B} Bardale {A}Caawa waxaa 27-5-2018 28/05/2018 DAAWO XILDHIBAANADA BARLAMAANKA KGS OO JAWAAB ADAG SIYEY G/BANAADIR ENG YARIISOW 04/10/2018 Wafdi ka socda WFP oo gaaray degmada Doolow kulamana bilaabay 30/03/2022 COVID-19 cases in Somalia rise to 80 as 20 more test positive 16/04/2020 Jabuuti oo saraakiil ka tirsan TPLF u dhiibtay Ethiopia 02/06/2021 Qoraal+Sawir:- Bohosha Yaaqkumaan ee Baydhabo, oo daad ku soo rogmada yaa dilay gabar qaangaar ah xili ay ku sii jeeday gurigooda oo ku yaala Xaafadda Daarasalaam Arbacadii. 06/11/2019 Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan 12/06/2023 Daawo Doorashada K/Galbeed oo mar kale dib loo dhigay iyo waqti cusub oo la shaaciyey 22/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.