Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan written by Warsan Radio 26/09/2022 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee illaa hadda lagu yabooho.Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray. Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan was last modified: September 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post NISA oo soo saartay digniin cusub next post Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab You may also like Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ukraine 26/02/2022 Seyga Boqorada Ingiriiska Prince Philip oo Da’da 99 jir ku geeriyooday 09/04/2021 Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka socota Kismaayo 23/01/2022 Shir Madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti 20/12/2020 Mareykanka oo War kasoo saaray Shirkii ka dhacay Muqdisho 01/02/2023 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/03/2022 Ciidamo ka tirsan DF oo Maanta lagu Qarxiyey Muqdisho & Khasaaro ka dhashay 14/10/2023 Waxa caawa si rasmi ah xaruunta Idaacada Warsan ee magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyey barnaamijkii tartan aqooneedka ee muda bishan ka socdey 29/04/2022 Ciidamada AMISOM Oo Qarax Khasaaro Geystay Lagula Eegtay Gobolka Sh/Dhexe 21/02/2020 Akhriso:-Xukuumadda oo ansixisay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay.. 20/09/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.