Baydhabo-{WMN}- Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa dacwad ka gudbiyay telefishinka caanka ah ee CNN, waxa uuna Trump dalbaday in la siiyo lacag aad u tiro badan oo magdhaw ah
Donald Trump ayaa ku eedeeyay telishinka CNN in ay wax u dhimay sumcadiisa kuna been abuurtay , waxaana dacwad loo gudbiyay maxkamad kutaalla Florida lagu xusay in telfishinkan CNN la barbar dhigay hoggaamiyihii Naaziga Jarmalka Adolf Hitler
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday telefishinka CNN in uu bixiyo lacag dhan 475 Milyan oo doollar oo magdhaw ah, sida lagu sheegay warbixin loo gudbiyay maxkamada Florida
Dacwadda loo gudbiyay maxkamad ku taalla Florida, ayaa lagu sheegay inay jirto walaac ah in sumcad dil kale lagu sameeyo Donald Trump oo markale sannadka 2024-ka u tartamaya doorashada madaxweynaha Mareykanka.