Gudoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa shir Gudoomiyey Kulanka Todobaadlaha ah, oo Todobaadkaan looga hadlaayey xaqiijinta Amniga magaalada Xudur iyo dhiiragelinta saraakiisha kala duwan ee laamaha amaanka.
Gudoomiyaha oo ugu horey amaan iyo boogaadin usoo jeediyey qeybaha kala duwan ee Hay’adaha amniga oo mudooyinkaan howlgalo lagu sugaayo amniga ka wadey Gudaha magaalada, wuxuuna sidoo kale ku booriyey inay sii laba jibaaraan shaqada adag ee Naf-hurnimada ah ee Bulshada ay u haayaan.
Dhankooda Saraakiisha laamaha amaanka ee kala duwan ayaa Gudoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud uga mahadceliyey sida quruxda badan ee uu xoogga u saaraayo ka dhabeynta iyo Xaqiijinta Tiirka amniga oo ah midka koowaad ee Noloshada Bulshada Xudur muhiim u ah.
Gudoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada u sheegey inay yihiin, kuwo habeen maalinba Bulshada ay ku faanaan oo ay ku seexdaan laguna aaminey kumaanka naf ee Xudur kunool inay amaan ku noolaadaa. Waxaana kulanka ku wehlinaayey Kuxigeenka Koowaad ee Degmada, Taliyaha guutada 9-aad ee qeybta 60-aad, Taliye-yaashaa Booliiska iyo Nabadsugidda iyi Saraakiil kale oo Ciidan.