Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya written by Warsan Radio 11/12/2022 Cudurka Shuban biyoodka ayaa waxaa uu ka dilaacay degaano hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyada oo dhowr qof Soomaali ah ay cudurka u geeriyoodeen tiro kalena ay xilligaan Isbitaalada la jiifaan xanuunka.Degaannada hoostaga Magaalada Wajeer ee uu cudurka ka dilaacay ayaa waxaa ku sugan dad Soomaali qaxooti ah, kuwaas oo ka tegay degaano kale oo ay ka dhacday abaar saameyn ku yeelatay noloshooda.Axmed Dhicis Xaaji aoo ah Xildhibaanka laga soo doorto degmada Habasweyne ayaa sheegay in ilaa iyo Saddex Ruux ay u geeriyoodeen cudurka Shuban-biyoodka 10kaena ay Isbitaalada la jiifaan.Wuxuu hadalkiisa uu intasi kudaray Xildhibaanka in dadka kunool degaannada hoostaga Magaalada Wajeer u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg deg ah, maadaama ay yihiin dad badi degaano kale ka yimid.Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya kajiray dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay colaad beeleedyo iyo abaar daran, iyada oo badi dhibaatadaas ay saameeysay dadka Soomaalida ah. Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya was last modified: December 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay next post Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika You may also like Kenya oo gacanta ku dhigtay 6 ajaanib ah oo u socday inay ku biiraan Al-Shabaab 06/08/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/07/2021 Ciidanka Jubbaland oo Weerar khasaaro dhaliyay ku qaaday Al-Shabaab 02/03/2024 DFS oo sheegtay in la burburiyay goob ay qaraxyo ku diyaarinayeen Al-Shabaab 30/04/2021 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/08/2022 Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda laheyn oo sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed la khatar gelinayo balse sheegay in talaabooyin wanaagsan la qaaday. 23/04/2020 Wasiir Beyle oo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka shir la yeeshay 27/04/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 12/10/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/07/2020 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.