Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like Akhriso : Afar Shuruud oo dowlada Somalia ku xirtay in in xayiraada laga qaado Qaadka Kenya 26/08/2020 Kenya oo gacanta ku dhigtay 6 ajaanib ah oo u socday inay ku biiraan Al-Shabaab 06/08/2023 Maamulka Puntland oo go’aano ka soo saaray isticmaalka Shillinka Soomaaliga 03/12/2020 Dhageyso: Barnaamaijka Kulanka Warsan 05/06/2023 video:-Hilaal Sheekh Shuceyb Agaasimaha Idaacada Warsan Oo Munaasabadaan Kahadley 07/09/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/02/2022 Xukuumadda oo qalab dadka looga baaro COVID-19 iyo Dawooyin gaarsiiyay Baraawe 04/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 09/10/2018 Booliska oo Muqdisho ku qabtay Maandooriye & Nin ka Ganacsanayay 23/05/2023 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.