Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like Dhageyso:-Maamulka Magaalada Baydhabo oo Awaamiir soo saarey 06/12/2019 Akhriso:-Farmaajo oo magacaabay Garsoorayaal Maxkamadda sare ee dalka 09/08/2018 Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay qeybo ka tirsan Mareykanka 24/07/2022 Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $86.7 Milyan 29/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2020 Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta ayaa billaabay xiriir toos ah oo dhinaca taleefoonnada ah 17/08/2020 Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in Dad Reer Baydhabo ah ku dhaawacmeen diyaaradda burburtay 18/07/2022 Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Soomaaliya 15/02/2020 Dhageyso:-Banaanbax ka dhacay Muqdisho 06/07/2017 Gudoonka Baarlamaanada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo kulan yeeshay 22/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.