Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay musharrixiinta Koonfur Galbeed? 28/12/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo James Swan Oo Ka Wadahadlay Dardargelinta Doorashada Dalka 07/11/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/08/2021 Dhageyso;- Dhageyso Barnaamijka Hampalyada iyo salaamaha ee Idaacada warsan 02/09/2022 Sawiro: Wasiirka Caafimaadka KG Oo Kormeeray Isbitaalka Beyhaaw Ee Magalada Baydhabo. 20/11/2019 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 22/10/2023 Ra’iisal Wasaare Xamse oo ka Tacsiyadeeyay geerida Abwaan Jaamac KediyeAugust 17/08/2023 Golaha Ammaanka oo ka digey colaad hor leh oo ka dhacda Gobolka Tigray 03/07/2021 Sawiro;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in la beero 100,000 geed labo bilood 21/10/2022 Dhageyso+Sawiro:-Jemis iswem wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arimaha soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaareen magaalada baydhabo 18/07/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.