Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like Taliyaha Ciidanka lugta & Saraakiil kale oo Beledweyne gaaray & ujeedka safarkooda 07/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/11/2019 Gobolka Benaadir oo markii ugu horeysay laga waayey kiisas cusub oo COVID-19 ah 08/06/2020 Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn cusub ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab 18/08/2023 Ku dhawaad 15 maxaabiis ah oo ku xirnaa dalka Cuman oo maanta lagasoo dajiyay magaalada Bosaso 18/06/2020 Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo Maanta bilaabanaya 18/07/2020 Mahdi Guuleed oo Xariga ka jaray qeyb cusub oo Hormuud ka dhistay Isbitaalka Banaadir (Sawirro) 30/07/2020 DHAGEYSO:- Farmaajo oo ka hadlay booqashada Qardho 10/01/2018 Xukun oo lagu riday dad loo heysto qarixii Magaalada Baydhabo ee lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed 22/08/2022 Uganda oo lagu qabtay nin qorsheynayay inuu is qarxiyo 28/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.