Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like XUSKA MAALINTA SHAQAALAHA ADUUNKA OO BAYDHABO LAGA XUSEY . 02/05/2018 Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Koonfur Afrika 11/06/2020 Maxaa looga hadlay Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland? 23/05/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/09/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/09/2020 Golaha amaanka oo war ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya 24/04/2021 Feysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Tallaabada Xigta Ay Qaadi Doonaan Mucaaradku 14/11/2022 Xog faahfaahsan oo laga helay safar qarsoodi ah oo uu Farmaajo ku tagay Israa’iil 13/07/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/08/2020 XFS Soomaaliya oo ka hadashay heerka uu marayo Hanaanka Barnaamijka deyn Cafinta 28/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.