Ugu yaraan hal askri ayaa ku dhintay iska horimaad u dhexayay Ciidamada Booliska Galmudug Iyo malayshiyo hubaysan oo ka dhacay deegaanka Gadoon oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii booliska ay ku baxeen soo badbaadinta gaari xamuul ah oo maleeshiyadan ay dhaceen, kaas oo ay u kaxeyteen dhinaca Gadoon.
Gudomiyaha Gobalka Galgaduud ee Galmudug Cilmi Gabey ayaa sheegay in Gaariga oo laga soo dhacay degaanka Maringubaa si xoog àh loogu heystay degaanka Gadoon, balse Ciidamada ay u suurto gashay inay soo furtaan, balse maleeshiyaadkii heystay ay baxsadeen.
Degaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa aad ugu badan dhaca Gaadiidka, iyada oo tallaabadaas ay sameeynataan maleeshiyo Beeleedyo.