Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas written by Warsan Radio 06/01/2023 Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay labo qarax oo baabuur oo Arbacadii ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, Xiseen Ibraahim Taha ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay si weyn u cambaareynayaan weerarkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay.Barqanimadii Arbacadii Al Shabaab ayaa weerar labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasi oo weerarku uu ku qaaday deegaan ka kooban guryo, maqaayado iyo dukaamo, waxaana ku dhintay 35 ruux, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas was last modified: January 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DHAGEYSO:-WARKA DUHURNIMO EE IDAACADA WARSAN next post Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay You may also like Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Saaxiibada Beesha Caalamka “SAWIRRO” 16/09/2021 Guddiga ka hortagga COVID-19 oo Shir xasaasi ah yeeshay 26/04/2020 Dhageyso:-Kulan wadatashi ah oo kor loogu qaadayo wax soo saarka xoolaha oo Baydhabo lagu daahfuray 28/07/2019 DEG DEG+DHAGEYSO: XILDHIBAAN PROF. IDIRIS CABDI TAKHTAR OO GOORDHOW ISU SOO SHARXEY GUDOOMIYAHA BAARLAMANKA SOOMAALIYA. 27/12/2016 Agaasimaha KMG ah ee NISA oo loo doortay kursi Golaha Shacabka 25/11/2021 Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta anxisiyey sharci muhiim ah 14/11/2020 Mareykanka oo digniin adag u diray Shiinaha 23/10/2021 Dowladda Jabuuti oo Dhakhaatiir iyo Dawo soo Gaarsiisay Muqdisho 03/11/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 20/09/2023 Dhageyso: Dhismaha Masjidka Jaamac Ee Degmada Xudur Oo Ku Dhow Meel Dhamaad ah. 24/03/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.