Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 written by Warsan Radio 14/01/2023 Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil, ka dib markii la soo badhigay ‘dhaqdhaqaaqyada iyo xisaabaadka’ lagu isticmaalay kaadhka dawladda ee madaxtooyada.Xafiiska madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa sii daayey maalintii jimcaha, kharashiyaadka sida gaarka ah loogu isticmaali jiray kaadhka gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro.Guud ahaan lacagta lagu isticmaalay kaadhka madaxweynaha hore ee dhowaan uun xilka ka degey muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayey ayaa gaadhaysa in ka badan $5 milyan. Lacagtan ayaa loo isticmaalay hab aad loola yaabay. Kaadhkan ayaa la sheegay inay isticmaali jireen madaxweynaha hore iyo illaa 21 xubnood oo ka mid ahaa dadka ka agdhow.In ka badan $21,000 ayaa lagaga cunteeyey makhaayad dhexdhexaad ah, taas oo $10,700 oo ka mid ah lagu isticmaalay roodhi, hal maalin gudaheed.Madaxweynaha hore Bolsonaro ayaa marar kala duwan wuxuu ku dooday inaanu hal senti ka isticmaalin kaadhka dawladda.Laakiin falanqaynta diiwaannada cusub ee ay furtay shabakadda wararka ee Uol waxay ogaatay in lacag ka badan $235,000 inuu Bolsonaro ku kharash gareeyey fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021.Ku dhowaad $14,000 ayaa kaalin shidaal hal mar oo keliya shidaal lagaga isticmaalay, halka ku dhowaad $286,000 loo isticmaalay tamashlayn iyo in lagu dego hotelo qaali ah oo ku yaalla goobaha loo dalxiis tago ee Guaruja.Sida laga soo xigtay mareegta GI, hotelka waxaa degey xubno la socday madaxweyne Bolsonaro, halka isagu uu degay xero ciidan.Lacagaha cuntada loo isticmaalay ayaa ahaa kuwo aad loola yaabay.Tusaale ahaan, makhaayad ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil ayaa hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan karaysay inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan. Cuntada makhaayaddan ayaa celcelis ahaan lagu iibiyaa illaa $10.Kaadhka dawladda ayaa roodhida lagu dalbaday ay gaadhaysaa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday wershed roodhida samaysa oo ku taalla Rio De Janeiro.Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya. Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan next post Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno You may also like DEG DEG: Video Xukun Isugu Jira Dil Iyo Xabsi Daa’in Oo Lagu Riday Eedeysanayaal Magaalada Baydhabo 22/06/2017 Xogta Shirkii Musharaxiinta Madaxweynaha iyo howlo ay isu direen ka hor shirka berri 21/11/2020 Video:-Dayacatir Balaaran Ayaa Ku Socoto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo 21/10/2017 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 01/01/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha qeybta 07/05/2021 Kooxda Taliban oo sheegtay in ay Dileen shaqsigii isku qarxiyay Safaarada Ruushka ee Kabul. 06/09/2022 VIDEO DAAWO WASAARADA CADAALADA EE DOWLAD GOBOLEEDKA KGS OO TABABAR U QABATEY CULUMAAUIDIINKA KGS 28/01/2018 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 28/08/2021 Dhageeyso Maalintii labaad xarunta madfaxtooyada ee magaalada baydhabo waxaa ka dhacay tartanka doorashada aqalka hoose ilaa ku dhowad 10 kursi oo xildhibaan cusub ah,ergooyinka ayaa qoloba meel wax ku dooranayay. 09/11/2016 Qoyska Ikraan Tahliil oo Qoraal soo saaray eedeeyayna RW Rooble 24/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.