Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 written by Warsan Radio 14/01/2023 Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil, ka dib markii la soo badhigay ‘dhaqdhaqaaqyada iyo xisaabaadka’ lagu isticmaalay kaadhka dawladda ee madaxtooyada.Xafiiska madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa sii daayey maalintii jimcaha, kharashiyaadka sida gaarka ah loogu isticmaali jiray kaadhka gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro.Guud ahaan lacagta lagu isticmaalay kaadhka madaxweynaha hore ee dhowaan uun xilka ka degey muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayey ayaa gaadhaysa in ka badan $5 milyan. Lacagtan ayaa loo isticmaalay hab aad loola yaabay. Kaadhkan ayaa la sheegay inay isticmaali jireen madaxweynaha hore iyo illaa 21 xubnood oo ka mid ahaa dadka ka agdhow.In ka badan $21,000 ayaa lagaga cunteeyey makhaayad dhexdhexaad ah, taas oo $10,700 oo ka mid ah lagu isticmaalay roodhi, hal maalin gudaheed.Madaxweynaha hore Bolsonaro ayaa marar kala duwan wuxuu ku dooday inaanu hal senti ka isticmaalin kaadhka dawladda.Laakiin falanqaynta diiwaannada cusub ee ay furtay shabakadda wararka ee Uol waxay ogaatay in lacag ka badan $235,000 inuu Bolsonaro ku kharash gareeyey fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021.Ku dhowaad $14,000 ayaa kaalin shidaal hal mar oo keliya shidaal lagaga isticmaalay, halka ku dhowaad $286,000 loo isticmaalay tamashlayn iyo in lagu dego hotelo qaali ah oo ku yaalla goobaha loo dalxiis tago ee Guaruja.Sida laga soo xigtay mareegta GI, hotelka waxaa degey xubno la socday madaxweyne Bolsonaro, halka isagu uu degay xero ciidan.Lacagaha cuntada loo isticmaalay ayaa ahaa kuwo aad loola yaabay.Tusaale ahaan, makhaayad ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil ayaa hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan karaysay inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan. Cuntada makhaayaddan ayaa celcelis ahaan lagu iibiyaa illaa $10.Kaadhka dawladda ayaa roodhida lagu dalbaday ay gaadhaysaa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday wershed roodhida samaysa oo ku taalla Rio De Janeiro.Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya. Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan next post Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in dalka ay ka jirto xaallad adag 01/07/2022 Ururka Shabaab oo la wareegay deegaanka Ceeldheere oo hoos-tagga Dhuusamareeb 15/12/2021 Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta deg deg loogu doortay Ceelwaaq 22/04/2022 Ilhaan Cumar oo aabaheeda Geeryooday iyo Taariikh nololeedkiisa 16/06/2020 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 19/02/2017 Wasaaradda Gargaarka XFS oo saxiixday heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha Masiibooyinka 26/04/2021 Somalia oo loo doortay Shir Guddoonka Golaha Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta 19/04/2022 DHAGEYSO;-BARNAAMIJKA BANDHIGA WARSAN EE IDAACADA WARSAN 25/08/2022 Ingiriiska oo Soomaaliya ka saaraya dalalka ku jira liiska cas 08/10/2021 Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Uganda 18/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.