Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika written by Warsan Radio 15/01/2023 Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray halka uu dila ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Burcaddii dilka geysatay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida oo dhankooda tegay dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in falka lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed uu u muuqday fal bahalnimo ah ayna ka walaacsan yihiin.Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo oo Kooxaha Burcada ah mararka qaar ay dhac u geystaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida kadib markii ay dilaan. Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika was last modified: January 15th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaanad hore oo lagu dilay Caasimadda Afgaanistaan. next post Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo You may also like Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo kulan qadka taleefanka ah la yeeshay dhigiisa dalka Pakistan. 30/05/2021 Dhageyso+Sawiro:-Eng Salax oo Sheegay in oo yahay Musharax Madaxweeyne KGS 02/10/2018 Dhageyso: Wasiirka Wasaaradda awqaafta koonfur galbeed oo corona viruse uga digay bulshadda KGS 17/04/2020 Dhageyso:- Xaafada Dooynuunay B oo Caawa kawada Badisey Isha B iyo Horseed B 19/05/2020 Diyaarad Muqdisho lagu keenay Arday ka qeyb galeysa Imtixaanka Shahaadiga (Sawirro) 19/07/2020 Dhageyso:-Warar Xigasha aan lahayn oo ay baahiyeen qaarkamid ah warbaahinada dalka. 10/07/2018 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 03/09/2022 Shirka Sanadlaha Ee Machadka Hiratage Oo Ka Furmay Garoowe 30/12/2020 Jarmalka iyo UK oo mar kale ku baaqay in xabbad-joojin laga gaaro Dagaalka Gaza 17/12/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 23/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.