
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si rasmi ah usoo xirey maanta kulan ku saabsanaa Dib-u-eegista howlaha mashruuca Damal Caafimaad oo muddo sedax cisho ah ka socdey Magaalada Muqdisho.
Kulanka intii uu socdey waxaa kasoo qeybgaley Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, Madaxda Mashruuca Damal Caafimaad iyo Tallaalka Covid-19, Madax kasocotey Bangiga Aduunka, Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale.
Kulanka dib-u-eegista ayaa diiradda lagu saaray mudadii uu socdo waxyaabihii u qabsoomay mashruuca, waxaana lagu qorsheeyey talaabooyinka la qaadi doono mudada soo socota, muhiimadda mashruuca Damal Caafimaad u leeyahay horumarinta qaybta Caafimaadka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeybta guulaha ilaa hadda laga gaaray mashruuca, loona qorsheeyey tallaabooyinka xiga ee lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden oo soo xirey kulanka ayaa sheegey in loo baahan yahay isxilqaannimo si loo xaqiijiyo guulaha laga gaari karo mashruuca iyo guud ahaan hanaanka Caafimaadka dalka, sidoo kalena in la ogaado muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta si loo gaadho ujeeddooyinka Caafimaad ee dalka ayna tahay in la dardar geliyo dadaallada si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg Caafimaad oo tayo leh.