
Kulan Waynahan Sanadlaha ah ayaa Sanadkan waxaa Diiradda lagu saarayaa Horumarinta Caafimaadka Dalalka Ku Mideysan WHO/EMRO, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay Xubin muhiim ah oo Firfircoon.
Khudbada Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Shirwaynaha RC70 ayaa Diirada Saartay Dadaalada ay Dowladda Soomaaliya ugu Jirto Horumarinta Caafimaadka iyo Caqabadaha Jira, Isagoo Gobolka ku baraarujiyay in Gurmad Caafimaad lagaarsiiyo Dalalka ay Shaqaaqooyinku ka jiraan oo ay kamid yihiin Sudan, Lebanon, Gaza iyo Yemen.
Soomaaliya ayaa kaalin mihiim ah ka ciyaareysa dedaalada socda ee qeybta Caafimaadka aduunka iyo kan gobalka, iyadoo la jaanqaadeysa isbadalada xowliga ah ee socda taasoo hoga tusaaleynaysa korriinshaha nidaamka Caafimaadka ee dalkeena, waxayna sidoo kale muujineysaa sida Dowladda Soomaaliya mihiimad gaar ah usii nayso arrimaha bulshada oo ah tiirka ugu wayn ee laga dhiso dal.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa diiradda u saaran xaqiijinta yoolka horumarineed ee Caafimaadka iyo ka dhabaynta hiigsiga Qorshaha isbadalka Qaranka NTP si loola jaan qaado geediga dunida ku wada baadi goobeyso Caafimaadka loo dhanyahay.