Muqdisho(WSR):- Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo galinkii danbe maanta kulahadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa soo hadal qaaday wararka ku saabsan Mooshinka xubno katirsan Baarlamaanka ay ka gudbiyeen.
Madaxweyne Xasan ayaa ku tilmaamay talabadaas mid ay wadaan dad uu ugu yeeray kuwo doonaya inay dalka dib u celiyaan isagoo sheegay in Soomaalidu aaney aqbali karin in ay dib ugu laabtaan mushkilado waqti kaga soo lumay kal hore.
waxa uu dhaliilay Xasan sheekh Xubnaha wada Mooshinka oo uu tilmaamay in ay dadka Soomaaliyeed yaqaanaan tiiriiqda Siyaasadeed ee ay leeyihiin, isagoo dhinaca kalana soo dhaweeyey Mooshinka ka dhanka ah.
Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyey moowqifkiisa ku aadan Mooshinka hadana waxa uu markale ku celiyey inaysan jiri doonin muddo kordhis ay sameystaan Golayaasha dowladda.
Xubanaha Baarlamaanka ee gudbiyey Mooshinka ka dhanka ah Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyey Xasan sheekh inuu Sameeyey musuq inkastoo aaney jirin cadeymo ku aadan arintaas oo lasoo bandhigay.