Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid kulankii loo balansanaa ee looga hadlayay xalinta arrimaha mooshinkii laga keenay Madaxweynaha bishii Agosto, kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu xalay shaaciyay in shirka uu furmayo maanta oo arbaco ah.
La Taliyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Cumar Aada Qaadi ayaa sheegay in shirkaas uu u baaqday maqnaashaha Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu muhiim u yahay shirkan, maadaama ay aheyd in Madaxda dowladda iyo xubnaha Baarlamaanka ay shirka ka wada qeyb galaan
“Maanta oo bishu tahay 7-October waxaa loo balansanaa in xubnaha Baarlamaanka ee soo jeediyay mooshinka dhowaan loo soo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda dowladda inay wada hadlaan, shirkaas wuu baaqday, waxaana sabab u ah Ra’iisul Wasaaraha oo howl qaran wali ku maqan, kuna sugan Imaaraadka Carabta”ayuu yiri Prof. Cumar Aada Qaadi.
Sidoo kale La Taliyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dalka dib ugu soo laabanayo 10-ka bishan, isla maalintaasna uu wada hadalka furmi doono sida uu hadalka u dhigay.
Inkastoo War saxaafadeed xalay ka soo baxay xubnaha Xildhibaanada ee mooshinka ka keenay Madaxweynaha ay sheegeen inay shirkaas ka qeyb galeyn, inta Guddoomiyaha Baarlamaanka ku adkeysanayo in mooshinka la tuuray, hadana waxaa la sii ogaa in aanu shirka maanta qabsoomi karin.
Si kastaba ha ahaatee wada hadalada xalka looga gaarayo arrimaha mooshinka ayaa waxaa suura gal ah in labada dhinac ay isku soo dhowaadaan, iyadoo la hadal haayo in isku shaandheyn lagu sameeyay Xukuumadda iyo xilal kale, si loogu qanciyo xubnaha wada mooshinka.