Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Max’ed Cumar Ceymooy ayaa waxa uu sheegay in kalluumeysatada Soomaalida ay ka taageeri doonaan sidii ay ugu sahlanaan lahayd jillaabashadooda biyaha Soomaaliya.
Mr Ceymooy ayaa xusay in xirfadleyda kalluumeysatada ah ay ka taageeri doonaan qalab u sahlaya in meelo fog fog ay ka kalluumeystaan si ay uga faa’iideystaan kheyraadka Ceegaaga Biyaha Soomaaliya.
Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa in muddo ah u baahnaa in laga gacan siiyo hanaan jillaabashadooda kalluunka iyo kheyraadka kale ee badda , oo la sheego in mararka qaar ay gurtaan maraakiib shisheeye.
Hadalkaan ayuu Wasiirku ka sheegay Munaasabad uu ugu soo xirayay Tababar Xirfadleey arrimaha Kalluumeysiga ka shaqeeya.