Iyadoo Heer gaba gabo ah uu marayo Qorshaha lagu dhisayo Golaha Wakiilada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda la soo Afmeero soo xulista Xildhibaanada Maamulkaasi.Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Cashar Nadaara oo la hadlay warbaahinta arlaadi ayaa sheegay in Qorshaha nlagu soo xulayo Golaha Wakiilada Koofur Galbeed uu marayo meel wanaagsan islamarkaana Maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono Xildhibaanada.
Afhayeenka ayaa Xusay in ay jiraan Dad wax ka daga Gobolada Koofur galbeed oo Cabasho ka qaba qaanka loo Xulayo Xildhibaanada Koofur Galbeed islamarkaana Maamulka uu diyaar u yahay inuu la fariisto Dadka Cabashada qaba.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalmo ka hor tagay Magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in la dhageysto Cabashada ay qabaan Dadka Wax dhaliilsan.