Odayaasha Dhaqanka Ee Koonfur Galbeed Soonaaliya ayaa maanta Kullan Muhiim ah la qaateen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyagoona ka wada hadal ey Xulista Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qorshaha Siyaasiinta kale Ee ay Rabaan inay Doortaan Madaxweyne Cusub iyo Go’aanka Gollaha Odayaasha Dhaqanka KGS.
Malaaq Deerow Yacquub, Afhayeenka Malaaqyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulanka ka dib waxa uu la Hadley warbaahinta ayaa sheegey in madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ay ka soo wada hadleen arinta dhismaha Baarlamanka KGS oo xulistiisu ay mareyso meel Gebo gebo ah isla marakaan waxa la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo, waxa kale uu sheegey sababta weli looga dhawaaqo la’yahay in tahay ka fiirsasho
“ annagu waxaan rabnaa baarlamanka inuu noqodo mid dhamaan beelaha KG Soomaaliya oo dhan ay u dhan yihiin, ma rabno inuu noqdo midkii Maamulka Jubbaland oo qasabka ahaa oo beelo badan oo Dadka Degaanka ah laga qadiyey camal , sidoo kale waxaan dooneyna un aynu noqono Hooyada maamulada “ ayuu yiri Malaaq Deerow Yacquub
Dhank kale Malaaq Deerow Yacquub ayaa si kuluul ugu Hadley siyaasiinta wada qorshaha ka dhanka ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden isla markaana waxa uu digniin adag u direy raga ku hawlan arintaasi.
“ Waxaan leenahay Degaanadani waxay soo mareen dhibaato badan, ma dooneyno in dhibaato kale loo horseedo, dowlad ayaa hallkan ka dhisan, waana waajib in la dhowro Dastuurka, kuwa raba inay dhibaato keenaan waan ka hortageynam umana dulqaadan karno” ayuu yiri mar kale Malaaq Deerow.
Ugu Dambeyntii, 45 oday Dhaqmeed oo Beelaha KG Soomaaliya ah ayaa la sheegey inay ku hawlan yihiin gudbinta Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Koonfur gallbeed Soomaaliya isla markaana waxaa la filaya in dhawaan lagu dhawaaqo Magacayadda Mudanayaasha Baarlamanka.