Kulanka looga tashanayey doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo ka dhacay maanta magaalada
Baydhabo ayaa waxaa si wadajir ah usoo qaba qaabiyey machadka doorashooyinka hanaanka
dimuquraadiyada Afrika EISA ¡yo waliba ha/ada wadahadalka ¡yo dib u heshiisiinta CRÐ waxaana
looga gol lahaa ogaashada aragtida dadweynaha ee ku aadan sida uga haboon ee ay dalka uga
hirgali karaan doorashooyin xor ah 2016 oo wakhti kooban ay naga xigto.
Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiiro ka
tirsan dowlada KG Soomaaliya, wakiilada hay’adaha CRD ¡yo EISA oo iyagu s00 qaban qaabiyey
kulanka, aqoonyahano, waxgarad, odayaal dhaqameedyo, arday wax kabarata jaamacadaha
magaalada Baydhabo ¡yo waliba ururada bulsaha gobalada Bay. Bakool ¡yo Shabeelada hoose.
Ugu horeyntii waxaa madasha ka hadlay mudane C/laahi xaaji xasan oo ah wakiilka hay’ada CRD
ee gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose ¡yo mid kamid ah masuuliyiinta ha/ada EISA
waxaana si wadajir ah ay u faah faahiyeen ujeedlca kulanka.
Wasiir kuxigeenada wasaaradaha dib uheshisiinta, warfaafmnta ¡yo waliba haweenka 00 ¡yaguna
madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigaliyey kasoo qaybgalayaasha kulanka in ay fikradooda ka
dhiibtaan sida ugu haboon ee dalle Soomaaliya aydoorasho uga dhicì karto 2016.
Xubnihii kasoo qaybgalay kulankan ayaa waxa ay aad uga hadleen islamarkaana is dhaafsadeen
qaabka loo dooranayo xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka 2016 ¡yagoo ugu danbeyntii
isku raacay in Xubnaha Baarlamaanka lagusoo doorto beel islamarkaana tiro cayiman 00
beeshiiba ah soo doorato xubinta kamid noqoneysa Baarlamaanka. Sidookale waxay aad u
diidanaayeen in baarlamaanlca uu 500 xulo oday keliya taas oo ay ku tilmaameen musuqmaasuq
¡vn radaalad darn.
waziir-kuxigeenka-war-faafinta-aaba-aawaw-suufi-cafaan