Baydhabo(WSR)-Maamulka Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo waxgaradka Magaalada Baydhabo ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga ku yeeshay Degmada Baydhabo.
Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiiin, saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Taliyahaha Ciidamada Itoobiya oo Ka Tiran AMISOM General Yamani ayaa inta badan xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa guud ahaan amniga Degmada Baydhabo.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa sheegay in maamulka Degmada uu labo jibaari doono howlgallada amniga lagu sugaayo, isagoo ballan qaaday in la hortegi doono falalka amni darrada ah ee lagu doonayo in lagu waxyeelleeyo shacabka Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeuntii, Gudoomiye Watiin ayaa sheegay in wadashaqeyn fiican oo dhexmarta ciidanka ammaanka iyo dadweynaha ay horseedi karto in amniga si buuxda loo sugo, isagoo ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada si loogu guuleysto arrintaas.
Halkan Ka Daawo