Ibraahim Cabdi Aadan waxaa uu ka midyahay aqoonyahnada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxaa uu qadka telfoonka kula soo xariirey wariye Maaxiye Cabdinuur yuusuf, waxaana uu ku wareystey sababta uu ula soo xariirey warbaakinta.
ibraahim ayaa waxaa weerar afka ah ku qaaday guud ahaan siyaasiinta koonfurgalbeed ee soomaaliya waxaana sida gaarka ah u weerarey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada talada u haaya maamulka koonfurgalbeed ee soomaaliya.
Aqaanyahanka ayaa waxaa uu dhaliiley siyaasada Shariif Xasan qaabka ay u socoto waxaana uu madaxweyne shariif ku eegayay in talada gobolka ee keligiisa isku soo koobey sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kaloo intaasi sii raaciyay in shariifka uusan aheyn qof wax ka qaraneyo xasilinta ahaanka, sidoo kale waxaa uu eedayay siyaasiinta dowlada Fadaraalka ugu jira deeganada koonfurgalbeed ee Soomaaliya asigoo cidna magacaabin.
Wareysigaan oo ah mid xiisadiisa leh halkaan hoose Ka Dhageyso.