Madweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah wafdi heer Federal ah oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo qeybna ka ah Masuuliyiinta dhex dhexaadineysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa baaq nabadeed waxaa uu u diray Dadka ku nool Magaaladaasi.
Mudane Shariif Xasan ayaa xusay in Bulshadu ay horay uga soo daashay Dagaal iyo dhibaato xiligana aan loo baahneyn in dib loo noqdo isagoona tilmaamay in Magaalada Gaalkacyo iyo Dadkeedaba ay ku caan yihiin Nabada iyo iscafinta.
Wuxuuna labada maamul ka dalbaday in ay si shuruud la,aan ah ku qaataan qodobada heshiiska si nabad loogu wada noolaado.