Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe horayna usoo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u difaacay Maamulka konfur galbeed soomaaliya uu ogaamiyo Shariif Xasan islamarkaana ka hadlay Xildhibaanada Maamulka Cusub ka dhisaya Magaalooyin ka tirsan Gobalka Bakool.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in musiibo Qaran ay tahay in DFS ay sheeda ka daawato in Xildhibaano ka tirsan BFS ay dhexda u guntadaan kala qeybinta maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.
Xildhibaan aadan Madoobe waxa uu sheegay in marnaba aysan raali ku noqon doonin in la kala qeybiyo shacabka ku hoos nool maamulka, waxa uuna ka digay in DFS iyo Ethiopia ay ka aamusaan faragalinta ay Gobolka Bakool ku hayaan Xildhibaano ka tirsan BFS, kana soo jeeda deegaanada Jubbaland ay maamusho.
Dhinaca kale Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada Ethiopia ka jooga deegaanada Koonfur Galbeed ayuu Aadan Madoobe ugu baaqay inay hakiyaan Siyaasadaha guracan oo Xildhibaanadaasi ay kawadaan Gobolka Bakool.
Isku soo wada duuboo Ciidamada Ethiopia ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan shaqsiyaadkaasi waxa uuna ka digay in deegaanada ay mas’uuliyiintaasi kawadaan dhismaha maamulka Cusub uu ka dhasho dhibaato.